Madaxweynaha oo khudbad dhinacyo badan tabaneyso ka jeediyay  xuska maalinta  jamhuuri day 

Munasabada ugu weyn ee xuska maalintan ayaa ka dhacay magaaladatani  Nairob halka   maamul goboleedyada kala duwan lagu qabanayo munasabada midan la mid ah.

Madaxweyne Uhuru  Kenyatta  ayaa  garoonka Nyayo  yimid saacadu marka ay ku begneyd 11:20 barqanimo .

Arrimaha la xiriira amaanka iyo midnimada shacabka oo anana lagu kala qeybini  dano siyaasadeed ayuu diirada saaray isaga oo  nabada ka hadlayana waxaa hadaladiisi ka mid ahaa

Dhanka kale madaxweynaha ayaa xusay in   go’aanka shacabka  ay mudantahay in la qadariyo sidaas awgeedna beesha caalamka aynan faragelin Karin doorshada soo socto

Sido kale madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in  dadka leh masuliyada  shilkii shalay ka dhacay Naivasha lala xisaabtamayo.

Khudbada  ayuu sido kale  madaxweynaha u adeegsaday in uu muujiyo waxqabadka dowladiisa halka arrimaha qabyaalada , tacliinta dijitalka ah,  doorshada, lacagaha NYS uu si weyn uga hadlay.

Maalintan ayaa dalka laga xusaa sanad kasta  12-ka bisha Disembar waxaana lagu maamuusa  12-kii bishi Disembar sanadii  1964 oo  Kenya ay noqotay jamhuuriyad leh ismaamulka gudaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *