Mid ka mid ah shirkadaha soo saaro caleenta shaaha oo lagu amray in ay dib u qorto shaqaala la tiray

Maxkamada warshadaha oo uu fadigeedu yahay couintiga Kericho ayaa bixisay amar ay shirkada soo saarto caleenta shaaha ee EPK kaga hor istaageyso in ay sii wado talaabada shaqada looga tirayo shaqalaheeda.
Go’aanka maxkamada ayaa yimid kadib dibadbaxya looga soo horjeedo tallabadan oo la sheegay in hal qof uu ku dhintay halka in ka badan 70 eekar oo caleenta lagu beerayna dab la qabadsiiyay.
Dhanka kale waxay maxkamada go’aamisay in shaqada dib loogu soo celiyo in ka badan 2,000 qof oo shaqada laga eryay halka anan laga saarin Karin guriyaha ay deganyihiin oo ay leedahay shirkada ay u shaqeyaan.
Shirkada EPK ayaa isku dayday tallabo ay shqada kaga tireys qaar ka mid ah shaqalaheeda oo todobaadki hore ka qeybqaatay dibadbaxyo looga gol lahaa in loo sameeyo mushar kordhin dhan boqolkiba 30.
6 bilood ka hor ayaa howlwadeenada loo balanqaaday in mushar kordhintan loo sameynayo waxaana la rabay in laba qeybood loo dhaqangeliyo.
Shirkadaha qaar ayaa maxkmaada tagay iyaga oo ka soo horjeedo mushar kordhintan waxayna ku andacoonayaan in tallabadan ay sara u qaadeyso qiimaha wax soo saarka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *