Shacabka Masar oo muujiyay sida ay uga xunyihiin qarax shalay lala beegsaday kanisad ku taalo Qaahira

Boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan dalka Masar  oo muslimiin iyo masiixiyin isugu jiro ayaa lagu soo waramaya in ay isugu tageen baanaanka  kaniisadii  St Mark  oo uu shalay ka dhacay qarax lala beegsaday.

Kaniisadan oo ku taalo bartamaha caasomada Masar ee qaahira ayaa waxaa ku nafwayay 25 qof oo caruur iyo haween u badan.

Dadkan   ayaa dibadbaxyo dhigay iyaga oo ku hadlaya sido kalena sido boorar ay ku  lagu soo bandhigay qoraalo looga soo horjeedo maamulka madaxweyne Cabdel-fatax al-sissi.

Waxay dhanka kale ku baaqen in wasiirka arrimaah gudaha

Magdy Abdel Ghaffar oo ay ku eedeyeen in arrimaha amaanka ee dalkaasi  uu ku fashilmay xilka laga qaado.

Qaraxa shalay ka dhacay   dalkaasi ayaa ku soo begmaya iyada oo jimcadii la soo dhafay  6 boolis ah lagu dilay qarax laga fuliyay  caasimada Masar ee Qaahira.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *