Taliyaha booliska ee countiga Mandhera  oo been abur ku tilmaamay wararka sheegaya in Al-shabaab ay qabsatay degaanka Elwak

Taliyaha ciidamada booliska ee maamul goboleedka Mandhera Mr Bernard Nyakwaka  ayaa qoraalada lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayo in kooxda Al-shabaab ay gacanta ku dhigtay degaanka Elwak ay been abuur yihiin.

Qoraalada barta twitarka la dhigay  ayaa waxaa ka mid ah  in degaanka Elwak ay weerar ku qadeen  xarakada Al-shabaab oona dhawqa rasaasta la maqlayo.

Waxaa sido kale la qoray  in dadka degaankaasi laga soo xigtay in  kooxda Argagixisada ay  qabsadeen Elwak oo u dhow xadka kala  qeybiyo Kenya iyo soomaaliya.

Mr Bernard Nyakwaka oo warbixinadan ku gacanseyray ayaa dhanka kale xusay  in taliyaha saldhiga boolsika ee Elwak  “Mr Dan Chacha uu uxaqiijiyay in xaalada Elwak ay degntahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *