Caruurta  dalka yemen oo nafaqa daro awgeed  u baahan  daryeel degdeg ah

Hay’ada  qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in  ka badan 400,000 oo ka mid ah caruurta ku dhaqan dalka Yemen ay macluul ba’an halis ugu jiraan.

Ku dhawaad , 2.2 miilyan oo caruur ah aya u baahan daryeel degdeg ah.

Waxay nafaqa  darro ba’an heysataa 462,000  oo caruur ah halka  gaajada la sheegayo in ay aad u sareyso xiligan  tani oo ilaa iyo sanadii 2014-kii sara u kacday.

Warbixin ayUNICEF  soo saartay ayeey ku sheegtay  in 10-kii daqiiqaba  uu ugu yaraan hal canug  uu u dhinto nafaqa daro, shuban  iyo  xanuun dhanka neefsashada ah.

Xitaa   ka hor colaadaha sokeeye oo sanadihii ugu dambeyay ka jiray dalkaas , Yeemen   waxay ka mid ahayd wadamada   ugu sabolsan dunida.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *