
Hay’ada caafimadka ee dunida ee loo soo gaabiyo WHO oo lagu wado in maanya ay yeelato kulankeeda sanadlaha ah ayaa walaac ka muujisay in deeqda bixiyo oo yaraatay ay caqabad ku noqon karto dadaalada ku aadan in la xakameyo cudurka duumada ama malaariyada.
Who ayaa sido kale sheegtay in dadaaladan ay istaagi karaan hadii lacago dheeri ah anan loogu deeqin barnaamijyada ku saabsan cudurkan
Guud ahaan kiisaska malaariyada ayaa hoos u dhacay boqolkiba 21 intii u dhexeysay sanadihi 2010-kii ilaa iyo 2015-kii.
Tirada dadka u dhintay malaariyada ayaa sido kale hoos u dhacday boqolkiba 29 dunida oo dhan halka qaarada Afrika ay dhimashadan yaraatay boqolkiba 31.
Dun ida oo dhan waxaa hada jiro 212 milyan oo ah kiisas hor leh iyo 429,000 kiis oo dhimasho la xiriirta cudurkan oo la soo tabiyay sanadii la soo dhaafay.
Sido kale hay’ada WHO ayaa sheegeysa in boqolkiba 43 ee dadka ku nool Afrika saxaraha ka hooseysay aynan isticmaalo shandarwo loo adeegsaday daawada kaneecada lagu ceyriyo.
Sanadii 2015-kii deeq lacageed oo dhan 2.9 bilyan oo doolar ayaa loo adeegsaday xakameynta malaariyada tani oo u dhinganta boqolkiba 45 keli ee lacagta loo baahanyahay oo ay hay’ada sheegeyso in ay tahay 6.4 bilyan oo doolar meesha lagu gaaro sanada 2020-ka.