Maamulka  qaran ee wadooyinka waweyn oo la siiyay amarka  ku aadan tuutada wadooyinka  

Maamulka qaran ee  dalka u qaabilsan wadooyinka waweyn ee  KeNHA ayaa  la siiyay amar ku aadan  tuutada wadooyinka ama waxa loo yaqaano Pumps.

Madaxweynaha dalkani Kenya  Uhuru Kenyatta  ayaa khudbadiisi shalay uu ka jeediyay munasabada  jamhuri day amar ku bixiyay in dib u eegis lagu sameeyo  tuutada la geliyay wadada weyn ee isku xirta magalooyinka Nairobi iyo Naivasha.

Amarka madaxweynaha ayaa ku soo begmaya maalmo ka dib markii ay  40 ku dhinteen shil ka dhacay wadadaasi.

Shalay ayuu madaxweynaha maamulka  KeNHA ku dhaliilay in ay tuutada lagu xadidayo xowliga gawarida lagu wado ay geliyeen wadadaasi iyaga oo anan wada tasi sameynin.

Dhanka kale hoogaamiyaha dalka ayaa xusay in aynan jirin wax digniin ah oo muujinaya in halkaasi ay tuuta ku jirto sidaas awgeedna cidii qaabilsan la rabo in ayn qaadato masuuliyada la xiriirta dhibtaada ka  dhaltay shilkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *