Barayaasha jaamacada  Makerere ee dalka Ugandha oo shaqa joojin ay ku guda jireen soo afjaray

Ururka ay ku bahobeen   barayaasha jaamacadaha dalka Ugandha  ee loo soo gaabiyo MUASA ayaa ugu dambeyn ku guuleystay  heshiis ay la yeelanayeen  golaha  jaamacada Makarere.

Heshiiskan ayaa aha mid ku aadan in la soo gabagabeyo shaqajoojin ay ku guda jireen barayaasha jaamacada.

Go’anka  laisku afgartay in ay barayaasha dib ugu laabtaan shaqadooda ayaa yimid kadib kulan qaatay  ugu yaraan 5 saacadood.

Mr Deus Muhwezi Kamunyu, oo ah afhayeenka ururka MUASA ayaa sheegay in  berito ay kulan degdeg ah ku yeelanayaaan jaamacada Makarere

Waxaa sida ugu dhaqsiyahah badan  barayaasha la siinayaa  mushaarka hal bil ka hor  inta anan jaamacada la xirin.

Barayaasha  jaamacada Makerere  ayaa dabayaaqadii bishii Oktobar ee sanadkan shaqa joojin sameyay  iyaga oo dalbanaya in  la siiyo  lacago dheeri ah  oo ay u doodayeen 8 bilood ka hor.

Madaxweyne Ugandha Yoweri museveni ayaa 1-dii bishan Novembar  amar ku bixyay in jamacada la xiro maadama  anan xal loo heli dhibatada taagneyn xiligaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *