Countiyada oo  loo soo jeediyay in ay tiraan shaqaalaha uunan  waxqabadkooduu wanagsaneyn    

Maamul goboleedyada dalka ayaa loogu baaqay in ay shaqada ka eryaan  shaqalaha anan waxqabadkoodu muuqanin si loo yareyo  qarashka ku baxa musharadka oo la sheegayo in uu aad u sareeyo.

Michael Cheresem oo ah guddoomiyaha gudiga   qoondeeya dhaqliga ka soo xarooda cansuurta la aruuriyo ayaa xusay in hadii countiyada ay ku dhaqaqaan tallabadan ay   helayaan lacago dheeri ah oo loo adegsan karo mashariicda horumarineed.

Wuxuu intaas ku daray in musharka la siiyo  shaqalaha maamul goboleedyada  uu yahay mid ku kaco in  badan oo ka mid ah lacagaha ay wasaarada maaliyada countiyada u qoondeysay.

Dhanka kale wuxuu  countiyada   in ka badan boqolkiba 35 ee lacagaha loo qoondeyay u adeegsaday mushar bixinta ugu baaqay in ay dhiman tirada  sarakiisha kala duwan ee ka howl galo waaxyaha countiyada iyada oo lagu saleynayo waxqabadka qofkaasi.

Arrintan ayaa ku soo begmeysa iyada oo dhanka kale  gudigan uu  sheegayo in  mushar kordhinta ay doonayaan howl wadeenada caafimadka  uunan hada suurta gal  ahayn maadama lagu tilmaamayo mid aad u sareeyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *