Dacwad ka dhan gudiga IEBC oo maxkmada loo gudbiyay 

Senetarka countiga Nyamira Kennedy  Okongo ayaa maxkamada u gudbiyay dacwad ka dhan ah gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.

Gudigan ayuu ku eedeyay in tallabo aynan ka qaadin siyaasiyiintta xili hore bilaabay ololo ay ku doonayaan in jagooyin kala duwan loogu soo doorto sanada 2017-ka.

Maxkamada ayuu doonaya in ay gudiga IEBC amar ku siiso in ay soo saarto liiska dhamaan  magacyada xisbiyada siyaasadeed iyo sido kale musharixiinta  ku dhaqaqaay tallabada uu ku tilmaamay mid  dastuurka lid ku ah.

Wuxuu si gaar ah u carabaabay hogaamiyaasha mucaradka sida  Raila Odinga, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetangula.

7-dii bishan Disembar ayey ahayd markii senetarka countiga Nyamira uu wacad ku maray in uu dacwadeynayo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta , ku xigeenkiisa William Ruto iyo sido kale  hogaamiyaasha sar sare ee mucaradka.

Dacwadan oo uu horgeeyay maxkmada sare ee dalka ayuu ku sheegay in ololan siyaasadeed uu keenay in isku dhacyo ay dhex maraan tageerayaasha musharixiinta iska soo horjeeda .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *