Dhimashada ka dhalatay shilkii Naivasha oo sara u kacday

Tirada dadka ee ku dhintay  shil habeenimadii axada soo galeysay ka dhacay wadada weyn ee isku xirta magalooyinka Nairobi iyo Naivasha ayaa hada sara u kacaday kadib markii ay dhinteen 3 qof oo lagu  daweynayay  mid ka mid ah cisbitaalada ku  yaala caasimada dalka.

2 qof oo uu shilkan dhawac ka soo gaaray ayaa  shalay ku nafbaxay cisbitaalka Kenyatta halka midka sedexaadna uu geeriyooday isaga oo ku jiro cisbitaalka Nairobi.

Dhanka kale  hal qof oo  kale ayaa weli lagu daweynayaa cisbitaalka  Kenyatta.

33 ka mid ah meydadkii  dadka shilkan ku nafwaayay ayaa lagu sameynaya baaritaano dhanka dhacaanka ah  ee DNA ka hor intan anan lagu warejinin qoysaskooda.

6 ka mid ahaa ciidamada GSU-da  oo shilkan ku nafwaayay ayaa la aqoonsaday  oo laamaha amaanka lagu wareejiyay.

Tan iyo shalay duhurnimo, 28 qoys ayaa lagu sameyay baaritaanada DNA si loo xaqiijiyo in ay yihiin ehelada  dadka geeriyooday oo ay sheeganayaan in lagu wareejiyo meydadkooda si ay u aasan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *