Dowlada oo tageereyso in meesha laga saaro xukunka dilka  ee lagu fuliyo dambiilasyaasha kala duwan

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Prof Githu Muigai iyo agaasimaha waaxda dacwad oogista Keriako  Tobiko ayaa hada ku biiray dadaalada loogu jiro in meesha laga saaro xukunka dilka ah.

Prof Githu Muigai ayaa sheegay ereyga qasab oo ku qoran qeybta dastuurka eek u saabsan xukunkan in ay  garsoorayaasha ka dhigeyso in aynan u madaxbananeyn  go’aanka cadaalada ku saleysan oo ay qaadan karaan.

Go’aanadan ayaa ah kuwo  la xiriiria dhageysiga dacwadaha ku saabsan in eedeysanahaasi uu qof dilay ama si awood loo adeegsaday uu rabshad ama qalalasa ku abuuray.

Dacawadna ayaa waxaa markii ugu horeysay maxkamada u gudbiyay  qareena uu ka mid yahay  Fred Ngatia oo u doodayo  eedeysanayaal xabsi ku jiray tani iyo sanadii 2003-dii.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *