Madaxweynaha Gambia Yaxya Jammeh  oo weli ku adkeysanayo in uu hogaanka dalka sii hayo

Waxaanan ilaa iyo hada heshiis laga gaarin in madaxweynaha haya talada dalka Gambia Yaxya Jammeh oo dhawaan loogaga adkaaday doorshada dalkaasi ka dhacday uu xilka wareejiyo.

Kulan ay shalay ka qeyb galeen  madaxda qaar ka mid ah wadamada Afrika oo ka dhacay caasimada Gambia ee Banjul  oo la doonayay in  Isfahan waagan lagu soo afjaro ayanan wax natiijo oo kama dambeys ah ka soo bixin.

Wafdiga kulaankiisa yeeshay ayaa rabo in madaxweyne Jammeh uu hogaanka dalka ku wareejiyo  Adama Barrow, oo doorashadii madaxweynanimo kaga guuleystay.

Madaxweynaha Nigeria  Muxammadu Buhari,  madaxweynaha Sierra Leone  Ernest Bai Koroma, Ellen Johnson Sirleaf oo ah madaxweynaha Liberia  iyo dhigeeda   Ghana  John Mahama  ayaa  dhexdexaadin sameeynayay.

Xaalada ayaa waxaa sii  cakiray  tallabada  xisbiga madaxweyne Yaxya jammeh  ay maxkamada ugu gudbiyeen dacawad loogaga soo horjeedo natiijada  ka soo baxday doorashadii dhawaan la qabtay oo hogaamiyaha xisbigaasi looga guuleysaty.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *