
Shacabka magaalada Naivasha gaar ahaana kuwa kudhaqan tuulada Karai ayaa sheegaya in ay si weyn uga soo horjeedsan doonaan iskuday kasata oo ku aadan in meesha laga saaro tuutada la geliyay wadada weyn ee isku xirta magalooyinka Naivasha iyo Nairobi.
Wadadan ayaa shil ka dhacay maalmo ka hor waxaa ku nafwaayay ugu yaraan 40 qof.
Tuutooyinkan ayaa loo aaneyay in ay sababaen shilkan iyada oo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu maalintii Jamhuri day amar ku bixiyay in arrintan dib loo eego.
Balse shacabka ku nool tuulada Karasi oo uu hogaaminayo Kabono Mwangi oo sida ay sheegen afhayeen u ah ayaa sheegaya in dad badan ay wadadan kaga dhinteen iyaga oo goynaya sidaas awgeedna hadii tuutada la saaro uu shilka sara u sii kacayo.
Mr Mwangi ayaa intaas ku daray in horay dibadbaxyo ay dhigeen awgeed wadadan tuutada loo geliyay hadii laga bixiyana ay dib ugu laabanayaan wadooyinka.
Wuxuu yiri shilka waxaa keenay cilad dhanka kontoroolka ah oo heysatay babuurkii dhaliyay dhibatadasii dalka saameysay.
Guddomiye ku xigeenka Naivasha Isaac Masinde ayaa dhankiisa sheegay in ay kulan looga arrinsananayo tallabada haboon ee la qaadi karo ay la yeelanayaan dhamaan wakaaladaha kala duwan ee qaabilsan badqabka wadooyinka.