Xayiraadda dhanka  Internet-ka ah oo lagu eedeyay  dowlada Itoobiya

Hay’ada  xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku eedeysay dowlada dalka itoobiya in si sharci dara ah ay xayirad u saartay aalada intarneetka iyo isticmaalka baraha bulshada ay ku wada xiriirto.

Tallabadan ayey hay’ada sheegtay in dowlada Itoobiya ay  uga gol leedahay in la soo afjaro dibadbaxyada ka dhan ahaa dowladda oo socday in kabadan hal sano.

Tan iyo markii bishii November ay bilodeen dibadbaxyaha ka dhacay degaano ka mid ah dalka itoobiyaa waxaa la xadiday  adeegsida intarneetka.

Bishii Oktoobar ayey dowlada itoobiya ku dhawaqday xaalad degdeg ah  halka  dadka adeegsada baraha bulshada lagu eedeyay in  ay sii huriyeen dibadbaxyada.

500 oo qof ayaa dibadbaxyadan ku nafwaayay halka ugu yaraan 11 kun oo qof oo ay ku jiraan weriyeyaal, shakhsiyaadka faalooyinka ku qora baraha intarneedka iyo siyaasiin caan ah ayaa xabsiga la dhigay tan iyo markii dalkaasi itoobiya looga dhawaaqay xaaladda deg degga ah.

Warbixintu Amnesty International   ayaa  sheegeysaa in intii u dhaxeysay bilihii June iyo Oktoobar ee sanadkan 2016-ka, la xannibay baraha xiriirka bulshada ee sida WhatsApp, Facebook iyo ugu yaraan 16 ka mid ah bogagga dhanka intarneedka ah.

Adeegga intarneedka ee taleefoonada gacanta oo ay xayiraad saarnayd tan iyo bishii Oktoobar ayaa hadda xayiraaddii laga qaaday .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *