1 bilyan oo ka mid ah macamiisha  shirkada Yahoo oo akoontiyadooda la jabsaday

Shirkada Yahoo ayey dharbaaxo xoogan soo gaartay  kadib markii la jabsaday akoontiyda  in ka badan 1 bilyan oo macamiisheeda ka mid ah.

Yahoo oo horay lagu amaanay in ay ka mid ahayd shirkadaha ugu  waweyn dunida  ee adeegyadeeda laisku haleyn karo ayaa hada sheegeysa in qorshaha  lagu jabsaday akoontiyada  uu socday mudo 3 sano ah.

Robert Siciliano oo ka mid ah dadka ka faalooda  arrimaha amaanka gaar ahana intarneetka ayaa xusay  in loo baahanyahay  in cid kasta  yahoo isticmaasha laga doonayo in  dhacdadan   ay walaac ku beerto.

Macluumaadka loo dhacay ayaa waxaa ka mid ah  magacyada, cinwaanada  macamiisha , nambarada taleefoonada, xiligii ay dhasheen iyo macluumad kale oo  u  sir u ahaa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *