26 ka mid ah maamul goboleedyada dalka oo lagu wado baaritaana ku saabsan musuqmaasuqa

Gudiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC  ayaa sheegaya in kiisaska ay  baaritaanada ku wadaan ay kala bar yihiin kuwo  ku saabsan countiyada dalka.

Madaxa fulinta ee EACC Halakhe Waqo ayaa sheegay in 411 kiis oo musuqmaasuq ku saabsan ay weli maxkmaada dhageysaneyso balse 200 oo kiisaskan  ka mid ah  ay yihiin kuwo taabanaya maamul goboleedyada .

26 counti ayaa lagu wadaa baaritaana  marxlada kala duwan maraya halka qaar ka mid ahna la gabagabeynayo.

Mr Waqo  ayaa sido kale xusay in 910  sarkaal oo musuqmaasuq lagu tuhmayo  ayaa maxkamada la horgeeyay.

Guddomiye ku xigeenka   gudiga EACC Sophia Lepuchirit ayaa sheegtay in wax isdaba marina ad u sareysa ay ka jirta countiyada

Dhanka kale gudiga EACC ayaa sheegaya in kiisaskan musuqmaasuqa ay  inta badan ku lug leeyihiin dad maamulada magac ku leh  iyo mashariicda  lacagaha badan loo adeegsaday sida  mida waaxda qaran ee adeega dhalinyarada  ee NYS, Anglo-leasing,  waaxyaha countiyada  iyo sido kale   golaha  hoose ee dowlada Nairobi.

Hadalkan ayeey  madaxda gudiga EACC jeediyeen xili ay shalay hortageen gudiga qalaka senetka u qaabilsan arrimaha sharciga.

Waaxda garsoorka ayaa ilaa iyo hada  soo afjaray 22  kiis  halka 18 ka mid ah dacwadahan  lagu cadeeyay eedeysanayaashii loo soo jeediyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *