Darasaad  la sameeyay oo lagu ogaaday in ardayada dhigata dugsiyada dowlada aynan waxbarshadoodu wanagsaneyn

Darasaad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ardayda dhigata dugsiyada dowliga ah aynan sidii la rabay wax u baranin marka loo barbardhigo  kuwo wax ka barta dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay.

Waa sanadkii 6-ad oo ay hay’ada  Uwezo Kenya soo saareyso in isku celcelis  30  canug keli oo ka mid ah 100 arday  oo dhigata fasalka 3-ad  ay   si sax ah uga jawaabi karaan suaalaha la xiriira casharada  loogu talagalay ardayda fasalka 2-ad.

Sido kale waxaa warbixinta lagu ogaaday in 8 ka mid ah  100 arday oo   ku jirta fasalka  8-ad  aynan si sax ah uga soo bixi Karin casharada fasalka 2-ad  ee dugsiga hoose dhexe.

Darasaadkan ayaa sido kale lagu sheegay in tirada macalimiinta ay weli hooseyso marka loo barbardhigo  tirada ardayda oo ay wax baraan.

Isku celcelis waxaa warbixinta laga soo saaray darasaadka la sameeyay lagu sheegay in dugsi kasta ay 12 macalin  wax ka dhigaan  halka dugsi kastana uu leeyahay 10 fasal.

Mamul goboleedyada  ugu  wanagsan  oo tirada macalimiinta anan laga deyrineyn ayaa waxaa ka mid ah  Kirinyaga, Kiambu, Embu, Nakuru, Nairobi, Kisii  iyo  Baringo  halka countiyada ay tirada macalimiinta  ay hooseyso ayaa waxaa ka mid ah Mandera  iyo Garissa oo 6 macalin ay dhigaan dugsi ka kooban 10 fasal.

Darasaadkan ayaa lagu eegay in ka badan  130,000  oo  caruur ah ooa y da’doodu u dhexeyso  6 ilaa 16  oo ka soo jeedo dhamaan maamul goboleedyada dalka  waxayna sarakiisha hay’ada Uwezo Kenya ee warbixinta soo saaray booqdeen in ka badan  4,500  oo dugsi  iyo 69,000  oo qoys.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *