Kenya oo lagu amaanay la tacaalidda cudurka duumada

Horumarka  uu dalkani Kenya  ka gaaray la tacaalidda cudurka  duumada ama malaariyada ayaa  ka dhigay in ay aqoonsato hay’ada caafimadka ee dunida ee loo soo gaabiyo WHO.

Dalkani Kenya ayaa ka mid noqday seddexda wadan ee ugu horeeya ee ka hoose saxaraha qaarada Afrika oo ay hay’ada  ka  hirgelin doonto  barnaamijya  lagu cirib tirayo cudurkani.

WHO ayaa  soo saartay   istaraatiijiyada    ugu haboon  ee la xiriirta teknoolojiyada  loo adeegsado malaariyada  oo qorsho ku aadan   la fulin doono inta udhexeysa sanada 2016-ka ilaa iyo 2030 –ka .

Hay’ada WHO ayaa qorsheyneysa  in   cudurka duumada laga cirib tiro ugu yaraan 10 wadan  meesha lagu gaaro sanada 2020-ka.

Malariyada ayaa  waxaa sanadkii la soo dhafay ee 2015-kii , gudaha dalkani Kenya ugu dhintay 20,691  oo qof  .

Warbixinta ayaa lagu xusay in kiisaska malaariyada ay sara u kaceen  oo ay gareen 7,676,980  oo kiis sanadii la soo dhafay  marka  la eego kuwa laga soo tabiyay cisbitaalada dowlada halka 46,019  oo kiis oo duumada la xiriira laga soo tabiyay cisbitaalada sida gaarka ah loo  leeyahay.

Sanadii  2011-kii   dad ay tiradoodu gaareyso 26,652  oo qof ayaa waxaa nooloshoodu galaaftay cudurka malaariyada.

Hasa ahaate,  Kenya  ayaa ah wadanka labaad ee qaarada Afrika  ee laga soo tabiyo dhimashada  la xiriira cudurkani.malaria

Jamhuuriyada  dimuqaradiyada congo ee DRC  ayaa kiisaskii ugu badnaa ee malariyada ay ka dheceen waxaana u dhintay 39,054  oo qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *