Madaxweynaha dalka  oo maanta booqanayo countiga Busia

Madaxweynaha dalkani Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa  Willaim Ruto ayaa lagu wadaa in maanta ay booqdaan countiga Busia  oo ka tirsan galbeedka dalka halkaasi oo ay   ka fulin doonaan mashariic horumarineed oo kala gedisan.

Waxaa sido booqashadan loo adeegsanaya in  lagu xojiyo tageerada siyaasadeed ee xisbiga  Jubilee uu ku leeyahay galbeedka dalka oo   marka loo barbardhigo mida mucaradka   hooseysa.

Shalay ayey booqasho laba maalmood qaadaneyso hogaamiyashan uga bilaabatay gobolka galbeedka dalka.

Maamul goboleedyada Bungoma iyo Kakamega  ayuu madaxweynaha xariga uga jaray mashariic kala  duwan halka kuwa qaarna uu kormeer ku sameeyay.

Socdaalkaasi ayuu madaxweyanah u adeegsaday in  uu dhaliila u jeediyo mucaradka dalka oo uu sheegay in aynan mudneyd in hogaanka dalka loo dhiibo maadama sida uu hadalka u dhigay aynan tixgelineyn danta shacabka tabarta yar.

Dhanka kale rasysul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa isagana lagu wadaa in berito uu booqasho ku tago gobolka galbeedka dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *