Qaar  ka mid ah shaqaalaha feery-ga Likoni oo shaqada laga istaajiyay

Labo ka mid ah sarakiisha sar sare ee waaxda qaabilsan adeegyada feeriga ee Likoni oo ka tirsan maamul goboleedka Mombasa ayaa shqada laga istaajiyay akdib  markii shalay dib u dhac uu ku yimaadat howlaha waaxdaasi.

Shalay ayey  ahayd markii hal  qad keli uu  shaqeynayay  oo uuna ciriir galay  dhaqdhaqaaqa doonyo badan oo halkaasi ka gudbo.

Maamulaha guud ee waaxdan oo loo soo gaabiyo  KFS  Bakari Gowa  ayaa sheegay in sarakiishan shaqada laga joojiyay maadama sidii la rabay aynan waajibadkoodii uga soo bixin oo ay  habacsanaan muujiyeen.

Howlaha waaxda ayaa shalay xayirnaa  mudo dhan 4 saacadood kadib marki sida la sheegay 3 kale  oo ka mid ah marinkii la isticmaalayay ay saameysay cilad dhanka farsamada  ah.

Mr Gowa  ayaa intaas ku daray in ay wadaan baaritaana ku aadan saameynta ka dhalatay adeeg xumada  oo macamiisha   caqabad ku noqotay.

Sido kae wuxuu xusay in isaga iyo sarakiil sar sare ay hada  laga billabo si dhow ula soconayaan  hannanka shaqo ee waaxda uu maamulaha ka yahay si mar kale aynan u dhicin dibaatadii shalay oo kale.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *