
Maanta oo jimca ah ayaa lagu wadaa in daad gureynta shacabka iyo fallagada suuriya ee ku dhaqan bariga magaalada xalab ay maalinkii labaad gasho.
Shalay oo kamiis ahayd ayaa In ka badan 3,000 oo qof ay basas ka daadgureeyen xaafada ay dagaalada soo gaarsiyeen bubur xoogan.
Qaramada midoobay ayaa dhanka kale sheegeysa in ilaa iyo hada 50,000 oo qof ay weli ku xayiran yihiin goobaha isku dhacayada saameyeen.
Ciidammada dowladda suuriya oo Ruushka garab ka helaya ayaa todobaadkan la wareegay degmooyin ay horay uga talin jireen fallagada dalkaasi.
Hasa ahaate, Mareykanka ayaa dowladda Suuriya ku eeedeyay in ay magaalada xalab ku qaaday wax xasuuq lagu tilmaami karo.
Balse ciidamada labada dowladood ee isgarabsanaya ayaa si joogta ah ugu gacanseyray in ay duqeymahooda ku bartilmaamedsanayaan rayidka.
Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa Khamiistii bogaadiyay “xoreynta” Xalab kaddib in ka badan afar sano oo uu halkaasi dagaal ka socday.