Waalidiinta ardayda dhigata  dugsiga Bridge  oo  ka carooday hadal uu jeediyay xoghayaha ururka KNUT

Qaar ka mid ah waalidiinta ardayda dhigata dugsiyada caalamiga ah ee Bridge ayaa ka carooday hadal uu  jeediyay  xoghayaha guud ee ururka macalimiinta ee KNUT Wilson Sossion  oo ku aadana tayada waxbarasho ee dugsiyadaasi. Waalidiinta ayaa xusay in hadalka Mr.Sossion oo ahaa in  tayada waxbarasho ee dugsigaasi ay  saameyn dhanka  maskaxda ah  ku yeelatay  macalimiinta, ardayda iyo sido  kale waalidiinta.

Sido kale barayaasha iyo waalidiinta  ay  caruurtoodu wax ka bartaan dugsigan aya doonayo in ay la kulmaan wasiirka waxbarshada  Sido kale barayaasha iyo waalidiinta  ar  caruurtoodu wax ka bartaan dugsigan aya doonayo in ay la kulmaan wasiirka waxbarshada   Dr.Fred Matiangi  si ay uga wada hadlaan  tayada waxbarasho ee dugsiga  Bridge.

Dhanka kale maamulka dugsigan oo xarmo badan ku leh dalka  ayaa guda galay in ay diiwangeliyaan dhamaan 405-ta  xarumood oo  ay leeyihiin si loogu hogaansamo  shruucda  ay dhawaan soo saaraty dowlada.

Ms Celestine Tabu  oo xubin ka ah gudiga ay ku bahobeen barayaasha iyo waalidiinta ardayada  dugsigan ayaa sheegtay in 8 sano oo  ay dalka ka howlgalayeen ay muujiyeen in xitaa   dhaqaalo yar ay u adeegsan karaan waxqabadkooda.

Waxay hada ku dalbanayaan in xoghayaha KNUT Mr.Wilson Sossion uu ka noqdo hadalka ku ku tilmaamay in dugsigaasi alabaabada laisugu dhufan karo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *