Wasiirka arrimaha gudaha oo amar ku bixiyay  in  la soo xiro dadkii qalalaasaha  abuuray maalintii jamhuri Day

Wasiirka arrimaha  gudaha ee dalkani  Kenya  Joseph Nkaissery ayaa dhamaan guddoomiyash acountiyad amar ku siiyay in ay xabsiga u taxabaan cid kasta oo qalalaasa abuuray maalintii la xusayay munasabadii Jamhuri Day.

Sido kale wuxuu amar ku bixiyay in gacanta lagu soo dhigo   siyaasi ama  tageeradoodii    khalkhal geliyay doorashooyinkii xisbiga Jubilee oo maalintii arbacada la qabtay.

Mr.Nkaissery ayaa intaas ku daray in tallabo sharciga waafaqsan laga qaadayo cid kasta oo lagu cadeeyo in ay  rabshadaha ku lug lahayd.

Dhanka kale gudiga madaxa banaan ee doorshooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayuu amar ku siiyay in siyaasi kasta oo jeedinaya hadalada naceybka abuuro uu ka  hor istaago ijn uu ka qeyb qaato doorshada guud ee la filayo in ay dalka ka dhacda  bisha  8-ad ee sanadka soo socdo.

Isaga oo ka hadlaya saameeynta ka dhalan karto  rabshadaha ayuu yiri  ma rabno in  mar kale  uu dalka ka dhaco qalalaasihii dhamaadkii sanadkii 2007-dii iyo horaantii 2008-dii .

Wasiirka arrimaha gudaha  ayaa sido   kale kenyaanka uga digay  qoralada ay  soo dhigayaan baraha bulshada  oo  ku aadan  ololaha siyaasadeed  isaga oo xusay in dowlada ay soo iibsatay qalab lagula soconayo fariimahaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *