Garabka mucaaradka dalka oo kasoo horjestay shirkad loo dhiibay in ay hubiso dadka isku duuwan galiyay doorashada guud

Raila-Odinga

Garabyada mucaaradka dalka ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneen in shirkadda magaceeda loo soo gaabiyo KPMG loo dhiibo shaqada lagu hubinayo dadka isku diiwan galiyay doorashada guud ee la filayo in ay dalka ka dhacdo 2017-ka.

Raila Odinga iyo hogaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi oo shalay gelinkii dambe shir jaraaid ku qabtay Magaalada tan Nairobi ayaa si wada jir ah u sheegay in xiligii lasoo xulanayay shirkaddan aan wax wada tashi ah lala sameynin mucaaradka dalka.

In shirkadda hubineyso diiwan galinta doorashooyinka oo la ogeysiiyo mucaaradka ayeey ku sheegen in kamid tahay heshiyadii lagaaray xiligii laga baaran dagayay habka lagu badali karo gudiga doorashada ee dalka.

Odniga iyo mudavadi ayaa sheegay in fadhiga aan caadiga aheyn oo ay lee yihiin xildhibaanada isbuuca dambe uu yahay mid lagu doonayo in lagu badalo sharciyada doorashada u yaala si xisbiga talada hayo ay ugu shubtaan.

Waxaa la filayaa in isniinta soo socota ee isbuuca dambe si rasmi ah loo bilaabo qorshaha dib u eegis loogu sameynayo dadka isku diiwan galiyay doorashada si look ala ogaado qofka horay u gestay iyo kan kale.

Waxuu qorshahu yahay in lasoo dhamestiro arintan bisha jnaaayo ee sanadka soo socda kadibna markale la bilaabo diiwan galinta baaxad leh ee codbixiyayaasha  doorashada guud.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *