Shan qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay wadamada isku xirto Eldoret iyo Nakuru

Shan qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyooden shil gaaari oo xalay saqdii dhaxe ka dhacay tuulada Kahoya oo katirsan Degmada Timboroa oo kutalao inta u dhaxeyso wadada Eldore iyo Nakuru.

Sida wararka ay sheegayaan shilkan ayaa waxaa kulug lahaa gaari nooca Mataatuda iyo mid kamid ah gawaarida waaweyn ee qaada shidaalka.

Mataatuga oo ay leedahay shirkadda Eldoret Sacco ayaa ka tagay Magaalada tan Nairobi islamarkaana waxaa uu ku sii wajahnaa Magaalada Eldoret halka gaariga kalana uu ku soo socday Nairobi xiligi uu shilka dhacayay.

Labadii dareewal ee gaariga iyo sedex qof oo rakaab ahaa islamarkaana sarnaa gaariga Mataatuga ayaa isla goobta ku geriyoday halka dhowr qof oo dhaawacnatayna loola cararay Isbitaalka Moi ee kuyaala Eldoret,.

Gaariga shiidalka ayaa la sheegay in xiliig uu shilka galayay uu eber ahaa, dhanka kalana dadkii geeriyooday ayaa loo qaaday goobta lagu keydiyo meydadka ee isbitaalka Eldama Ravine.

Shalay ayeey aheyd markii ugu yaraan 4 qof ay ku dhimatay halka 25 kalena ay ku dhaawacmeen shil shalay ka dhacay aaga lagu magacaabo Bonje oo ka tirsan tuulada Mazeras oo ku taalo agagaarka wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Darawalkii  kaxeynayay    baska shilka galay ee  ka ambabaxay magaaladatani Nairobi  ayaa  lumiyay xakameynta baaburkaasi  kadibna   qadka ka baxay  .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *