Taliyaha Ciidamada Militiriga dalka Gaambia oo loo diiday in uu boqdo gobolka Dahfur ee dalka Sudan

Taliyaha ciidamada Militirgia dalka Gambia ayaa laga mamnuucay in uu booqashasha ku tagay gobolka Dahfur ee dalka Sudan halkaas oo ay joogaan ciidamo nabad ilaalin ah oo kasocdo Gambia.

Dadka faliqaneyna arimaha Africa ayaa sheegayaa in xayiraadan looga gol lee yahay in cadaadis lagu saaro Taliyaha ciidamada Ousman Badjie in uu la safanin Madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanaya Yaxya Jaamac oo goor sii horeysay wacad kumaray in uusan xilka ka dagi doonin kaid markii doorasho dalkaasi ka dhacday looga adkaaday.

Waxaa gobolka dahfur joogaa ciidamo gaaraya 213 askari oo ka socda dalka Gambia iyadoo tilaabadan lagu mamnuucay in Dadjie uu boqdo Sudan ay aheyd mid laga soo go’aamiyay qaramada midoobay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *