Wadahadal u dhaxeeyay Dowlada iyo ururka dhaqaatirta oo markale lagu kala dareeray

Waxaa markale shalay lagu kala dareeray kulan wadahadal ah oo u dhaxeeyay dowlada dalka iyo ururka ay kumideysan yihiin dhaqaatirta dalka kaaso lagu doonayay in lagu soo afjaro shaqo jojinta ay kugudajiraan dhaqaatirta dalka oo maalintii 15-aad gashay.

Shirkan ayaa waxaa goob jog u ahaa wasaarada shaqaalaha dalka iyo xubno matalayay ururka dhaqaatirta ee magacooda loo soo gaabiyo KMPDU oo uu hogaaminayay xoghayahooda Ouma Oluga.

Muddo yar oo uu kulanka socday kadib, waxaa la isku afagaran waayay qodobadii laga wadahadlayay iyadoo markiii dambe lagu kala dareerayay kulanka oo ka dhacay Magaalada tan Nairobi.

Dhaqaatirta ayaa ku eedeynayaa dowlada in aysan kasoo dibcin goankooda iyadoo dhanka shaqaalah caafimadkana ay iyaga wacad kumareen in ay shaqada ku laaban doonin ilaa la fulinayo heshikii dhacay 2013-kii.

Maahan markii ugu horeysay oo howlwadeenada caafimadka iyo dowlada ay wada galeen kulan lagu doonayay in lagu soo afjaro shaqo joojinta balse waxaa uu ku dhamaanayay is afahan waa.

Dhanka kale iyadoo horantii isbuucan kalkaaliyayaasha dalka ay ku dhawaaqen in ay soo afjareen shaqo joojintii ay kuguda jiren, ayaa waxaa lasoo sheegayaa in qaar kamid ah Maamul goboledyada dalka aysan ka soconin wax shaqo ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *