Xukumadda Turkiga oo xabsiga u taxaabtay in ka badan 50 saraakil

Xukumadda Ankara ayaa war qoraal ah oo ay maanta soo saartay ku sheegtay in ay xabsiga u taxaabtay in ka badan 50 saraakiil sar sare kuwaas oo ka tirsan militariga dalkaas.

Tan ayaa ka dambeysay kadib marki xeer ilaaliyaha guud ee dalkaas u soo saaray amar lagu soo xiraayo 530 qof kuwaas oo ka tirsan militariga dalkaas.

Xukumadda u madaxweynaha ka yahay Recep Tayib Erdogan ayaa dhawanahaan waday hawlgal baaxad leh kaas oo ay ku soo xir xireysay saraakiisha lagu tuhmaayo in ay gacan saar la leeyihiin wadaadka weyn ee ka soo jeedo dalkaas deganna waddanka Maraykanka Fethullah Gullen kaas oo lagu eedeynaayo in u ahaa maskaxdi ka dambeysay cinqilaabki Militari ee lagu waday in xukunka looga tuuro Reccep Tayip Erdogan.

Xukumadda Ankara ayaa sheegtay in ay ka taqluustay awooda ay lahaayen tageerada Gullen tan iyo marki u dalkaas ka dhacay cinqilaabki militari.

 

Wadaadka lagu eedeynaayo cinqilaabkaas ayaa iska fogeeyay isago sheegay in uusan waxba ka ogayn cinqilaabkaas dhicisoobay kaas oo looga gol lahaa in xukunka looga Tuuro Erdogan.

Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in 24 qof ay ku nafwaayen cinqilaabkaas halka 2100 qofna ay dhaawacmeen.

Sida laga soo xigtay warbaahinta ku hadasho afka dawladda ee Anadolu ilaa iyo hadda waxa xabsiga loo taxaabay dad tiradooda ay gaareyso 40,832 qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *