
Madaxweynaha dalkani Kenya Uhuru Kenyatta ayaa gudiga adeega booliska uga digay in ay ciidamada booliska ka hor istaagin in ay ganacsi xalaal ah sameysataan.
Ciidamada booliska ayuu madaxweynaha sheegay in sida shacabka oo kale ay xaq u leeyihiin maalgashiga .
Dhanka kale hogaamiyaha dalka ayaa gudigan oo uu madax ka yahay Johnson Kavuludi u sheegay in qof kasta oo ciidamada ka tirsan oo guriyo dhisto anan musuqmaasuqa lala xiririnin.
Sido kale madaxweynaha oo hadalkan jeediyay xili uu ka hadlay munasabad uu xariga uja yaray iskaashi ay booliska leeyihin ayaa xusay in iskaashigan ay xubin ka yihiin in ka badan 56,000 oo sarkaal.
Dowlada ayuu sheegay in aynan canshur ka qaadi doono iskaashatada maadama ay kaalin muhiim ah ka qaadatan dhanka maaliyada ee dhaqaalaha dalka.