Maamulayasha dugsiyada qaar oo  diiwangelinaya tiro arday oo ka badan midi ay wasaarada  tacliinta u qoondeysay

Wasaarada waxbarshada ee dalkani Kenya ayaa  maamulayaasha dugsiyada qaar ku eedeysay in ay ku lug leeyihiin fadeexad la xiriirta diiwangelinta ardayda ku biirayo fasalka 1-ad ee dugsiyada sare.

Waxaa hada shaaca laga qaaday qorsho  si qarsoodi ah lagu fulinayo ay  maamulayaasha  aasaasayan fasalo dheeri ah si ay u diiwangeliyaan   arday ka badan  midi ay wasaarada dugsigaasi ugu  talagashay.

Arrintan ayaa lagu  ogaaday baaritaan la sameeyay oo lagu soo bandhigay kulan ay yeeshen sarakiisha wasarada waxbarshada iyo agaasimayasha tacliinta ee countiyada.

Qorshahan ayaa carabka lagu dhuftay in mamulayasha ay uga gol leeyihiin in ay iibsadaan  boosas dheeri ah.

Sanadii 2015-kii  arday dheeri ah oo ay tirtadoodu gaareyso  5000 aya si sharci dara ah looga diiwangeliyay dugsiyada sare ee dalka.

Fasal kasta waxaa la rabaa in 45 arday ay dhigato halka agaasimayaasha countiyada amar lagu siiyay in ay arrinatn si dhow ula socdaan.

Kahi Indimuli  oo ah guddoomiyaha ururka ay ku bahobeen  maamulayasha dugsiyada sare ayaa dhankiisa sheegay in ilaa iyo hada aynan soo gaarin warbixin ama cabasho arrintan ku saabsan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *