Madaxweynaha dalka oo loo soo jeediyay in uu musuqmaasuqa la dagaalamo

Qaar ka mid ah hogaamiyaasha xisbiga Jubilee  ayaa   sheegay in musuqmaasuqa uu dhaawac soo gaarsiyay sumcada xisbiga jubilee sidaas awgeedna madaxaweyanah dalka uhuru Kenyatta looga baahanyahay in uu si weyn ula dagaalamo wax isdaba marinta.

Xildhibaanka laga  doortay  degaanka Kigumo , Jamleck Kamau ayaa ka dhwajiyay in  xisbiyada mucaradka  ay si weyn  hadal qabsi uga dhigteen fadeexada kala duwan si  uunan madaxweynaha ugu guuleysanin doorshada soo socoto.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in hadii maamulka jubilee uunan  si gaar ah u eegin arrimaha musuqmaasuqa iyo sida looga taqalusi karo, ay adkaan karto in mar kale uu xisbigaasi  dalka ka taliyo.

Waaxyaha kala duwan ayuu mr Kamau u soo jeediyay in ay  qaadan tallabo wax ku ool ah oo lagula dagaalamayo   fadeexadaha dalka  wadanka saameeyay.

Sabina Chege oo ah  wakiilka haweenka ee countiga Murang’a   aya dhankeeda sheegtay in isbeheysiga mucaradka aynan doorashada soo socoto ku guuleeysaneyn maadama sida ay hadalka u dhigtay  aynan  tixgelinin danaha shacabka kenyaanka ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *