Turxaan bixinta  sarakisha soo codsaday  xilka guddomiyaha IEBC oo berito la billabayo 

Berito oo isniin ah taarikhdana ay ku beegantahay 19-ka bisha Disembar ayaa lagu wada in la billabo turxaan bixinta  lagu sameynayo sarakiisha doonaya in ay buuxiyaan xilka guddomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorshooyinka iyo xuduudada ee IEBC.

Ilaa iyo hada 10 qof ayaa tartankan isugu soo hartay oo berito la kala saaraya  halka la filayo in howshan la soo gabagabeeya dabayaaqada todobaadka.

Gudiga turxaan bixinta sameynayo oo auu hogaamiyo  Bernadette Musundi ayaa horay lagu eedeyay  in aynan sida haboon uu maareynin.

Eedeyanhan loo soo jeediyay ayaa keenay  in mar kale la shaaciyo in xilka guddomiyaha uu weli banaanyahay  2 maalmood ka hor intan anan turxan bixintan la bilaabin.

Dhanka kale , turxaan bixinta  ayaa kus oo begmeysa iyada oo maalmo ay inaga xigaan xiliga kala dambeysta ah oo ay garabka mucaradka u qabteen saraakiisha IEBC ee hada xilka haya in ay xafiiska baneyaan.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *