3 qof oo ku  dhimatay  countiga Bomet  halka 200 oo kalena cisbitaal la dhigay kadib markii ay cuno la sumeeyay   cuneen

3 qof oo laba ay caruur yihiin ayaa ku dhimatay  degaanka Sotik ee maamul goboleedka Bomet halka in ka badan 200 oo kalena cisbitaal la dhigay ka dib markii ay cuneen cunen la aaminsanyahay in la sumeeyay.

Dadkan oo   billabay in ay muujinyaan sheegasho dhanka calooshan ayaa  ugu dambeyn naf baxay waxaana dhismasha loo aaneynaa fuqbax iyo  shuban.

Seddexda qof  ayaa dhintay iyaga oo lagu daaweynayo cisbitaalka  Kaplong ee degaanka Sotik halka caruurta ka mid ahna da’doodu lagu sheegay  6   sano iyo midka kale oo 10 sano jir ah.

Warka qaar ayaa sheegaya in cunadan oo lagu diyaariyay mid ka mid ah  guri ku yaalo  tuulada  Kamureito ay in mudo ah taalay kadib markii horay loo kariyay.

Madaxa  adeegayad caafimadka ee countiga Bomet  Bernard Sowek ayaa sheegay in ay suurta gal tahay in dad badan ay dhibaatadan saameysay halka bukaanada qaarna xaaladoodu ay daranthaay balse ay la tacaalayaan.

Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in dadka   arrintan ay saameysay  ay u badanyihiin dhalinyaro ay da’doodu ka hooseyso 30 sano.

Anthony Koskei oo ka mid ah odayaasha tuuladaasi ayaa sheegay in dad dhamaan aynan saameyn ku yeelanin cunitaanka  rashiinkas.

Taliyaha saldhiga booliska ee  degaanka Sotik  Jonathan Ngalan ayaa dhankiisa sheegay in ay wadaan baaritaan ku saabsan dhacdadan oo walalc ku beertay dhamaan dadka ku nool  degaankaasi ka tirsan countiga Bomet.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *