Daad gureynta  shacabka  iyo falaagada bariga magaalada xalab oo dib loo bilaabayo

Waxaa mar kale dib loo bilaabaya daad gureynta shacabka iyo fallagada  ku nool bariga maagalada xalab ee dalka suuriya  kadib markii horay loo hakiyay.

Golaha amaanka ee qaramada midoobay oo kulan ku yeeshay magaalada New York ee Mareykanka ayaa ku heshiisay in sarakiisha qaramada midoobay ay si dhow ula socdaan geegisocdka lagu daad gureynayo shacabka dhibateysan.

Heshisyo hore oo arrintan ku aadana ayanan dhanqangelin halka   maalinii shalay la gubay basas dhowr ah oo ku wajahnaa lbo degmo si ay dad u soo qaadaan.

Dowlada Suuriya ayaa mucaradka dalkaasi ku eedeyay in ay ka dambeyeen falka basaskan dab lagu qabadsiiyay.

Ruushka oo taageero xukuumada madaxweynaha Suuriya Bashar AL- Asad ayaa walaac ka muujiyay kana soo horjeestay heshiis  ka soo baxay golaha amaanka ee qaramada midoobay.

Dowlada Ruuushka ayaa ku andacooneysa in sarakiisha qaramada midoobay anan loo diri Karin in ay si dhow  ula socdaan daad gureynta iyaga oo anan si buuxda ugu diyar garoobin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *