Dowlada oo todobaadkan qeybin doonto lacag dhan 2.5 bilyan oo lagula tacaalayo macluusha

Maalmo ka dib markii qaramada midoobay  ay ka digtay   abaar saameyn karto dalka ayay dowlada  shaaca ka qaaday in todobaadkan gudihiisa la soo saarayo  lacag dhan 2.5 bilyan oo shilin oo lagula tacaalayo gaajada.

Wasiirka wasaarada dowlad wadaajinta iyo qorsheynta  qaran Mwangi Kiunjuri  ayaa xusay in lacagtan ay qeyb ka tahay 5 bilyan oo shilin oo  miisaniyad sanadeedkan loogu qoondeyay in lagu  maareeya  musibooyinka.

Mr Kiunjuri  ayaa hadalkan jeediyay isaga oo ka jawaabayay  digniinta qaramada midoobay halka uu ka dhawjiyay in maamulka qaran ee maareya musiibooyinka  ee loo soo gaabiyo NDMA u wasaarada si joogta ah ula socodsiinayay xaalaad sida ay tahay  sidaas awgeedna  uu dalka si weyn ugu diyaar garoobay xakameynta gaajada ka dhalan karto abaaaraha.

Maalintii Talaadada ayey hayd markii qaramada midoobay ay  dowlada Kenya u soo jeedisay in ay isu diyaariso   abaara  ay suurta gal tahay in sanadka soo socdo ay hadalka ka dhac do oo ayna sii xumaato.

Hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha cunada iyo beeraha ee FAO ayaa sheegtay in  noolosha shacabka iyo xoolaha dalka  ay halis ku jiraan maadama anan weli si buuxda looga soo  kabanin abaartii sanadii 2014-kii.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *