Liiiska qaxootiga ku nool xeryaha dhadhaab oo dib u eegis lagu sameeynayo

Wasiirka arrimaha guda  iyo isku duwida dowlada dhexe Joseph Nkaissery  ayaa amar ku bixiyay in dib u eegis lagu sameeyo liiska lagu diiwan geliyay qaxootiga ku nool xeryaha dhadhaab.

Talaabadan ayaa looga gol leeyahay in meesha looga saaro dadka  si sharci dara ah u sheeganayo in ay qaxooti yihiin si ay uga faaidaan adeegyada la siiyo shacabka dalalkooda ka soo barakacay.

Mr.Nkaissery  ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dib u eegistan maanta oo isniin ah la bilaabayo si look ala cadeeyo kiisaska  dadka qaar ay laba jeer is diwangeliyeen maadama sida hadalka uu u dhigay ay jiraan qaxooti kenyaan ahaan isku diwan geliyay halka kenyaanka qaarna ay qorteen in ay qaxooti yihiin.

Geedisocodkan  lagu xaqiijinayo liiska kama dambeyska ah ee qaxootiga aya soconayo tan iyo 31-da bishan Disembar sanada 2016-ka.

Wasiirka ayaa xusay in markii howshan la dhameeyo ay soo bixi dooonaan  qaxooti dhab ah uu u qalma in sidaasi lagu  aqoonsado.

Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in tallaabadan ay fududeyn doonto dib u celinta qaxootiga si ay Kenya albaabada isugu dhufato xerada ugu weyn dunida ee qaxootiga.

Bishii Novembar ee sanadkan ayay dowlada  kordhisay mudadii la qorsheeyay  waxaana lagu daray 6 bilood oo kale.

 

Dadka  aana xeryaha ku  dhex nooleyn  ayaa laga doonaya  in ay tagaan xafiiska ugu dhow ee ku xigeenka guddomiyaha countigaasi halka kuwo xeryaha degan ay tagayaan xafiiska  ku xigeenka gudoomiyaha countiga ee xeradaasi.

Sido kale wasiirka  ayaa sheegay in dadka laba jeer isdiiwan geliyay oo anan mudada loo qabtay tagin xafiisyadan ,xabsiga loo taxaabayo si dacwad loogu soo oogo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *