Wasaarada waxbarashada oo sameeysay waax gaar ah oo qaabilsan ardayda naafada ah

Wasiirka  waxbarshada ee dalkani Kenya Dr.Fred Matiangi aya aasaasay waax qaabilsanaan doonto tacliinta ardayda uunan lixaadka ku dhameystirneyn  si loo xaqiijiyo in caruurta dhamaan ay dugsiyada ku biiraan.

Sido kale wasiirka ayaa xusay in bisha January ee  sanadka soo socdo la soo magacaabi doono agaasime waaxda maamula halka lacago dheeri ah loo qoondeynayo.

Isaga oo  ka hadlaya muhimada ay arrintan leedahay ayuu  ka dhawaajiyay in dowlada ay aqoonsantahay  xaquuqda ay leeyihin ardayda naafada ah.

Sanadkan 2016-ka arday  uunan lixaadka u dhameystirneyn oo ay tiradoodu gaareyso  1950 ayaa sameeyay imtixaanka fasalka sidedaad ee KCPE-da halka ardaygii ugu horeeyay uu helay buundo dhan 421.

63 ka mid ah ardaydan ayaa fursado waxbarsho ka helay dugsiyada  heer qaran ee loo yaqaano Natiional Schools.

Warbixinada ayaa muujinaya in  ka badan 100,000 oo arday oo naafa  ah aynan weli dugsiyada ku biirin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *