Gavanarada dalka oo doonayo in xabsiga loo taxaabo hogaamiyaasha ururada dhaqatiirta

Ururka ay ku bahoben gavanarada  dalka ee loo soo gaabiyo COG ayaa maxkamada  geeyay dacwad ay ku doonayaan in xabsiga loo taxaabo hogaamiyaasha ururka qaran ee dhaqatiirta ee KMPDU.

Madaxdan ayay ku eedeynayan in ay  marar badan ka biya diidenn amar maxkmadeed oo  lagu cadeeyay in shaqa joojinta ay dhaqatiirta ku guda jiraan ay sharci daro tahay.

Waxay dhanka kale  xuseen in dhaqatiirta ay weli sii wadaan in kenyaan badan oo daryeel caafimad u baahan ay dhibateyaan.

Qareenka   wakiilka ka  ah gavanarada ee lagu magacaabo Eunice Lumallas ayaa maxkmada u sheegay in dhaqtiirta ay halis geliyeen  noolosha kumanaan qof oo kenyaan ah halka  dhanka kale ay  xaqireen maxkmaada sidaas awgeedna ay haboontahay in madaxda ururka KMPDU  la xiro.

Hasa ahaate, dhaqatiirta ayaa dhankoodu ku adkeysanaya in aynan  shaqa joojinta soo afjari doonin inta ay dowlada ka dhaqan gelinayso heshiskii ay wada saxiixdeen sanadii 2013-kii.

Dhanka kale ururka gavanarada ayaa maxkmada ka soo saaray kiis ay horay uga gudbiyeen ururka qaran ee kalkaaliyasha tani oo horseeday in ay heshiis wada saxiixdaan oo howlwadeenadan ay dib ugu laabtaan shaqadooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *