Tanzania  oo balanqaaday in ay taageeri doonto musharaxnimada Amina Maxamad ee xilka guddomiyaha AU-da

Dowlada dalka Tanzania ayaa balanqaaday in ay taageeri doonto musharaxnimada marwo Amina Maxamad oo ah wasiirada arrimaah dibada iyo ganacsiga caalamiga ah eek u aadan xilka gudoomiyaha midowga Afrika.

Dr Augustine Mahiga, oo ah wasiirka arrimaha dibada ee  Tanzania  sido kalena ah guddomiyaha gudoomiyaha golaha wasiirada ee bariga Afrika ayaa  xaqiijiyay in dalkiisa iyo guud ahaana  wadamada bariga Afrika ay ka go’antahay in ay Kenya ka caawiyaan sidii  wasiirada ay xilkaasi u qaban lahayd.

Hogaamiyahan ayaa  xusay in  Amina maxamad ay leedahay waaya aragnimo ku filan oo ay xilkan u adeegsan karto  .

Bishii  la soo dhaafay ayay ahayd markii  wadamada Tanzania ,Uganda, Rwanda  iyo  Burundi  ay  ogoladeen  in Ms Maxamad ay taagerayaan.

Qabashada xilkan ayaa waxaa tartan ugu jiro 5 musharax   oo ka soo jeedo wadama kala duwan oo hoos tago qaarada Afrika.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *