Tirada  dadkii ku dhintay shil ka dhacay Jarmalka oo sara u kacday

Booliska dalka Jarmalka ayaa sheegaya in ay sara u kacday tirade dadka ku dhintay  shil shalay ka dhacay magaalada Berlin oo ayna hada gaartay 12 qof.

Shilkan ayaa dhacay kadib markii mid  ka mid ah baabuurta xamuulka gaar ahana nooca loo yaqaano Loory-ga uu jiiray dad ku sugnaa banaanka  suuq  ku yaalo magalada Berlin si ay isugu  diyariyaan munsabada  masiixiga ee Christmas.

Ugu yaraan 48 qof ayaa ilaa iyo hada la xaqiijiyay in ay shilkan ku dhaawacmeen.

Darawalka  kaxeynayay baabuurkan  ayay ciidamada booliska gacanta ku dhigeen.

Heiko Maas oo ah wasiirka jarmalka ee arriamah cadaalada ayaa sheegay in dacwad oogayaasha qaabilsan arrimaha argagixisada ay dhacdadan baaritaan ku sameynayaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *