Baarlamaanka  oo berito  fadhi kale yeelanaya kadib markii  kulankii shalay la carqaladeeyay

Kadib markii shalay xildhibaanada ka soo jeedo isbeheysiga mucaradka ee Cord ay khalkhal geliyeen  kulan looga gol lahaa in wax  looga bedelo shuruucda arrimada doorshooyinka  ee dhawaan la soo saaray, ayuu gudoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi sheegay in berito ay dib u shirayaan mudanayaasha.

Baaqan dib laisugu yeeray xildhibaanada ayaa yimid saacado  kadib markii shalay buuq  hareeyay fadhigii  socday  ay keentay in dib loo dhigo howlaha baarlamaanka tan iyo  24-ka bisha koowad ee sanadka 2017-ka.

Qoraal lagu daabacay wargeysyada maxaliga ah ayaa lagu sheegay in  xildhibaanada iyo dadweyanah lagu wargelinayo in berito oo khamiis ah taarikhduna ay ku beegantahay 22-ka bisha Disembar sanada 2016-ka labo fadhi uu baarlamaanka yeelanayo.

Saacada marka ay tahay 9:30 ee barqanimo  ayuu fadhiga  koowad bilaabayana  ilaa iyo 1-da duhurnimo halka midka labaad uu qabsoomayo  laga bilaabo 2-da duhurnimo uuna dhamaanayo ka hor saqda dhexe ee habeenimo.
Berito ayaa inta uu fadhigaasi socdo mar sedexaad la aqrin doonaa  hindisa sharciyeedka  ku aadan  isbedelka lagu sameeyay shuruucda doorashooyinka.

Shalay ayay ahayd markii  xubnaha isbeheysiga mucaradka ee cord ay farageliyeen  fadhi la qorsheeyay in uu qabsoomo  maadama ay ku tilmameen in uu ahaa mid sharci daro  ah .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *