Danjireyaasha wadamada  shisheeye  oo iska fogeeyay in ay  faragelinayaan arrimaha doorashada 

Qaar ka mid ah wadamada shisheeye ayaa  iyaga oo ay matalayaan  safiiradooda u fadhiyo dalkani Kenya iska fogeeyay in ay balaayin shilin ugu deeqayaan shirakada anan dowliga ahayn si loo farageliyo natiijada ka soo bixi karto doorshada guud.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen ayay safiiradan ku sheegen in dalalkooda aynan wax lacag ah siineyn wakaaladaha dowlada ama shirakada kale.

Iyaga oo uu hor kacayo safiirka mareykanka u fadhiyo Kenya Mr.Robert Godec ayay cadeyeen in kenyaanka ay xaq u leeyihiin  in ay doortaan  hogaamiyaasha ay ku qanacsanyihiin sidaas awgeedna ay xaqaasi si weyn u tixgelinayaan.

Bayaankan ayaa waxa sido kale saxiixay  wakiilka midowga Yurub ee Kenya  Stefano Dejak.

Hadalka ka soo yeeray safiiradan ayaa ku soo begmaya  maalmo ka dib markii madaxweynaha dalkani Kenya Uhuru Kenyatta uu ka digay faragelinta wadamaad shisheeye ay ku sameyn karaan natiijada doorshada guud ee la filayo in ay dalka ka dhacdo sanadka soo socdo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *