Garabka mucaradka ee Gambia oo sheegay in madaxweyne  Yaxya Jammeh  aynan maxkamada geyn doonin marka oo xafiiska baneeyo

Afhayeen u hadlay garabka mucaarardka  oo tageray madaxweynaha dhawaan la dooraty ee dalka Gambia  Adama Barrow ayaa sheegay in madaxweyne  Yaxya Jameeh  oo doorshadan lagaga adkaaday aynan maxkamada la tiigsan doonin marka uu xafiiska baneeyo ka dib.

Madaxweyne Yaxya Jammeh  ayaa Gambia hogaaminayay  22-kii sano ee ugu dambeysay  halka   uu horay u  aqbalay in doorshada looga guuleystay kadib  balse uu go’aankaasi ka noqday  oo uu  weli ku adkeysanayo in  uu hogaanka dalkaasi sii hayo.

Beesha calamka ayaa ugu baaqday Yaxya jameeh in uu  ogolaado in laga guuleystay oo uu xilka wareejiyo.

Afhayeenkan oo  lagu magacaabo Halifa Sallah  ayaa xusay inj urur goboleedka ECOWAS uu doonayo in  loo  cadeeyo qorshada  maamulka   cusub ee Adama Barrow eek u aadan in madaxweyne Jameeh dacwad lagu soo oogayo iyo in kale.

Wuxuu xusay in  uusan  jirin wax qorsha ah oo ku saabsan dacwad maxkmaad loo gudbiyo oo ka dhan ah madaxweynaha weli dalkaasi hogaamiyo.

Adama Barrow oo ah madaxweynaha la doortay  1-dii bishan Disembar sanada 2016-k ayaa sheegay  in uu Yaxya Jameeh ula dhaqmayo  sida madaxweyne hore oo uu la tashanayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *