Garoonka diyaaradaha ee Abuja oo la xirayo mudo 6 todobaad ah

Madhaarka caalamiga  ee  caasimada dalka Nigeria ee Abuja ayaa  la xiraya mudo dhan 6 isbuuc si dayac tir loogu sameeyo.

Hadi Sirika  oo ah wasiirka duulimaadka   ayaa xusay in garoonkan  uu xirnaanayo bisha labaad iyo bisha sedexad ee sanadka soo socdo xiligaas oo dayac tir  dhameystiran lagu guda jiro.

Mr Sirika ayaa sido kale sheegay in mudadan ay ku filantahay in shirkada Julius Beger  ay dib u dhisto qeybaha burbursan.

Wasiirka ayaa dhanka kale carabka ku dhuftay in madaxweynaha Nigeria Muxamadu Buhari oo dib u dhiskan ansixiyay maadama caasimada Abuja ay tahay hal boowlaha dhaqaalaha dalkaasi.

Dowlada ayuu sheegay in aynan  doneyn in garoonka uu mudo intaas ka badan sii xirnaado  maadama  3-dii bilood ee ugu dambeyay la waday howlo la xiriira dayac tirka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *