In ka badan 20 qof oo lagu dilay  dalka Congo

Laamaha amaanka ee dalka Congo ayaa toogasho ku dilay ugu yaraan 26 qof oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxyo  laga dhigay magaalada Kinshasa iyo magaalooyinka kale.

Dibadbaxyadan ayaa ah kuwo lagu dalbanayo in madaxweyne Joseph Kabila uu xilka wareejiyo kadib markii mudadiisi ay dhamaatay.

Mudaharaadyada ayaa  bilowday shalay oo talaada ahayd halka Etienne Tshisekedi oo ah madaxa mucaaradka uu rayidka ugu baaqay in ay si nabad ku saleysan uga soo horjeedsadaan  maxadxweyne Kabila.

Ida Sawyer  oo ah cilmi bare ka tirsan hay’ada   xuquuqul aadanaha ee  Human Rights Watch ayaa  bartiisa twitarka ku qoray in   laamaha amaanka ay dileen ugu yaraan 26 qof halka  waaxda booliska ay sheegeyso in aynan  weli soo gaarin cabasha ku aadan dadka la dilay.

Caasimada Congo ee Kinshasa,  ayaa waxa ku nool dad ay tiradoodu gaareyso 12 milyan oo ruux.

Hay’adaha  u ololeeya xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in dad badan lagu xiray magaalada dhacdo bariga dalkaasi ee Goma.

Madaxweyne Kabila ayaa wadanka Congo ka talinayay tan iyo sanadii 2001-dii waxayna qaramaada midoobay  ugu baaqday in uu  xafiiska baneeyo maadama mudadiisi ay ku ekeyd  maalintii Isniintii

Balse Doorashadii lagu waday inay dalkaasi ka dhacdo bishii November ayey xukuumada dib u dhigtay iyadoo sabab uga dhigtay dhaqaale xumo, balse mucaaridka ayaa ku tilmaamay go’aankan mid uu xilka  mudada kusii dheeraysanayo Madaxweyne Kabila.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *