Ku dhawaad 30  qof oo ku dhimatay qaraxyo  ka dhacay suuq ku yaala dalka Mexico

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhimatay  halka  70 kalena ay ku dhaawacmeen  qaraxyo xoogan oo ka dhacay  suuq ku yaalla duleedka magaala madaxda dalka  Mexico.

13 caruur  ah ayaa la sheegaya in boqolkiba 90 ee jirkooda  uu gubtay  dhaawac ka soo gaaray  qaraxyadan awgeed.

Suuqa ayaa lagu iibiyaa rashka xilliyada dabaaldegyada  sida   ciida masiixiga  ee Christmas oo fooda inugu soo hayso.

Waxaa   telefishinka  dalkaasi laga arkayay muqaal muujinaya  dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa halka qiiqa uu cirka isku shararay.

Waxay wararku intaas ku darayaan in qaraxan uu yahay midkii 3-ad ee mudo 10 sano ah gudahood lala beegsado suuqa caanka ah ee  San Pablito .

Eruviel Avila oo ah guddomiyaha gobolka  ay ka tirsantahay magaalada Tultepec oo ay qaraxyadan ka dheceen ayaa wacad ku maray  in sida haboon loo ciqaabayo cid ka dambeysay falkan.

Guddomiyaha aya dhanka kale balanqaaday in uu  tageero la xiriira  dhaqaalaha u fidinayo dadka  ay hantidooda u burburtay suuqan.

Booliska dalkaasi ayaa sheegaya in ay  bilaabeen baaritaana  ku saabsan qaraxyadan   si  dacwad loogu soo oogo cidii la cadeyo in ay geysatay.

Dhacdooyiin tan la mid ah ayaa suuqan baabi’iyay sanadihii 2005 iyo 2006-dii.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *