Madaxweynaha oo  madixii  hore ee kaniisada Anglikan u soo magacaabay    guddomiyaha  EACC

Madaxweynaha dalkani Kenya ayaa Eluid Wabukala oo ah madixii  hore ee kaniisada Anglikaan  u soo magacaabay in uu noqdo  guddomiyaha  gudiga  anshaxa iyo la dagaalanka  musuqmaasuqa ee EACC.

Sarkaalkan  oo 65 sano jir ah ayaa shalay magiciisa loo gudbiyay aqalka baarlamaanka si turxaan bixin loogu sameeyo oo ay xildhibaanada  u baas mariyaan in uu xilkaasi qabto ama  la diido.

Guddomiyaha baarlamaanka Justin Muturi ayaa xusay in fariintaas ay uga timid madaxweynaha sidaas awgeedna uu ku wargelinayo xildhibaanada  gaar ahaan gudiga sameyn doono turxaan bixinta.

Hadii  qabashada xilkan loo baas mariyo wuxuu bedelaya Philip Kinisu oo  bishii sidedaad ee sanadkan is casilay kadib markii musuqmaasuq lala xiriiriray cadaadisna la saaray.

5 sarkaal oo kale ayaa horay u soo codsaday in ay noqdaan gudoomiyaha gudiga EACC halka baarlamaanka uu heysto 14 maalmood oo uu howshan ku dhameystirayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *