Dalka suuriya oo lagu dilay 14 askari oo u dhashay Turkiga 

Dagaal  cidamada Turkiga iyo kooxda la magac baxday  khilaafada islaamiga ee ISIS  ku  dhex maray  dalka suuriya ayaa lagu dilay 14 askari sida ay sheegeen ciidamada Turkiga.

Meel u dhow magaalada Al-Bab ee dalka Suuriya oo ay daacish maamusho ayuu dagaalka ka dhacay.

Tirada ciidamadan  ayaa loo maleynayaa in  ay tahay midi ugu badneyda ee  laga dilo   laamaha amaanka ee Turkiga tan iyo intii uu  socday dagaalka ay daacish kula jiraan.

Bishii August ee sanadkan ayay xukuumada Ankara gudaha u gashay  suuriya halka ciidamada ay  hada  sheegayaan  in dagaalkii ugu dambeyay  ay ku  dileen  in ka badan 130  oo ka mid ah ISIS.

Ciidamada Turkiga  ayaa  caawinaya mucaaradka Suuriya, si daacish looga saaro magaalada Al-Bab oo ay  seddex bilood ka hor duulaan ku soo qaadeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *