Howlgalo agagaarka wadooyinka looga sifeynayo dadka darbi jiifka ah oo ka dhacay Mombasa

Laamaha amaanka ee maamul goboleedka Mombasa ayaa weli wado howlgalo   dadka darbijiifka ah looga sifeynayo agagaarka wadooyinka halka gacanta lagu dhigayo  burcada   dhaca u geysta  shacabka.

Ugu yaraan 50 ka mid ah dadka  hooy ka dhigta  hareeraha wadooyinka ayaa shalay gacanta lagu dhigay maadama shacabka ay muujiyeen cabasho ku aadan in ay taleefoonada iyo buursadaha lacagta la gashto  kala baxsadaan  kadibna ay duumaleystaan.

Waxaa la soo helay   talefoona badan oo kuwa gacanta ah  oo la aaminsanyahay in la xaday halka eedeysanyaasha  la tuhmayana xabsiga loo taxaabay.

Naheed Muusa oo  ah taliyaha kooxda  howlgaladan fulineysa  ayaa sheegay in  ay sii wadayaan in la badbaadiyo shacabka iyo sido kale  dadka booqasho ku tagayo countigaasi.

Wuxuu intaas ku daray in ay tallabadan  ku dhaqaqeen kadib markii ay soo ifbaxeen warar sheegay in  caruurta darbi jiifka ah ay la shaqeystaan  tuugada si loo dhaco hantida dadka rayidka ah oo maraya agagaarka wadooyinka.

Mamul goboleedka  Mombasa  aya waxaa hada ku sugan    dad kakala  yimid  wadamada dunida iyo sido kale kuwo  ka tagay degaanada kale ee dalkani Kenya.

Iyada oo todobaadkii hore  isku duwaha  amaanka ee gobolka xeebta Nelson  Marwa uu sheegay in amaanka  Mombasa la isku halayn karo ayaa waxaa hada si weyn loo adkeeyay xaalada amaanka ee maamul goboledka Mombasa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *